Awalan Mahad oo dhan Ilaahay ayey u sugnaatay, oo qadartiisa uu igu magaacabay Madaxweynaha Qaranka Jsl.
Marka labaad waxaan si maamuus iyo qaddarin ay ku jirto ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo ii magacaabay xilka Aggaasimaha Guud Ee Haayadda Hawlgabka & Xaqsiinta Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland.  
Taas oo ah masuuliyad uu igu maamuusay ana aan u gudan doono si daacadnimo, hufnaan iyo kartiba ay ku dheehan tahay.
Sidoo kale madaxweynuhu wuu ku mahadsan yahay doorka qiimaha badan ee uu siiyey dadka aqoonta u leh shaqada ee aqoonyahanada ah, isaga oo ka dhigay mudnaanta xukuumadiisa.
Waxaan aaminsanahay tallaabadaasi inay horseedi doonto dawladnimo ku dhisan aqoon, khibrad aragti fog leh iyo maskax furan oo dalka u horseeda horumar weyn oo waara.
Ugu dambayn mahad ballaadhan iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhamaan bulshada sida qiimaha leh iigu soo hambalyeysay iiguna soo ducaynaysay meel kastoo ay joogaan iyo sidoo kale cid kasta oo shalay igala soo qeyb gashay Xafladda  waxaan idiin leeyahay Alle Ha Idin Sharfo.
Waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu ii fududeeyo Masuuliyadda oo uu iga dhigo mid anfaca dalkiisa iyo dadkiisaba.
Alla Mahad Leh.