Shirkii Joogtada ahaa ee Maamulka iyo Shaqaalaha Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta

Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay 23/09/2025 ka qabsoomay hoolka shirarka ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta shirkii joogtada ahaa ee maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Kulankan oo uu Gudoominayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Mudane Saleebaan Maygaag Obsiiye ayaa waxa lagaga wada hadlay:
  • Sidii loo dardar galin lahaa hawlaha shaqo ee u yaala Hay'adda, sidoo kalena masuulkasta waxa uu ka war bixiyay hawlhii u qorsheysnaa wixii u qabsoomay iyo halkay wax u marayaan.
  • Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta ayaa isaguna sharraxaad ka bixiyay muhiimadda ay leedahay joogtaynta dabagalka hawl-qabadka isaga oo u mahad celiyay cid kasta oo fulisay qorshaheedii hawl-qabadka kuna qabatay muddadii loo qorsheeyay. 
Ugu dambayn, waxa shirka si rasmi ah u soo xidhay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta isaga oo shaqaalaha  kula dardaarmay sidii loo xoojin lahaa isla markaana loo derdergalin lahaa hawlaha shaqo ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiintu u xil saran tahay.