Shirka Guddida sare ee Hay'adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.

Maanta oo ay taatiikhdu tahay 01/09/2025 waxa si guul leh kusoo dhamaaday shirkii guddida sare ee Hay'adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda. Shirkan oo ahaa kulankii 4aad ee ay yeeshaan gudidu Waxa kasoo qayb galay, Wasiirka Wasaaradda Shaqada Arimaha Bulshada iyo qoyska Marwo Milgo Maxamed Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Marwo kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh Cabdullaahi Daahir Jaamac , Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, Agaasimaha Guud Hayadda Hawl-gabka iyo xaqsiinta Mudane Saleebaan Maygaag Obsiiye , qodobada muhiimka ah ee laga wada hadlay waxa ka mid ah:
#) Ansixinta miisaaniyad sanedeedka 2026 ee Hay'adda Hawl-gabka Iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.
#) Dardar galinta Hawlaha shaqo ee u yaala Hay'adda Hawl-gabka iyo xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.